A Special Dedication

U Hibayn — A Tribute to Somali Children

A heartfelt dedication to the children and families who keep the Somali language, culture, and identity alive across generations.

A Tribute to My Children and to Somali Children Across the Diaspora

English

This project, Baro Af Somali, is dedicated first and foremost to my beloved children:

Mohamoud, Mubarak, Muna, Maryam, Mahdi, Kadija,Kayse (Hassan Kayse), and Suhayla.

You have been my inspiration, my motivation, and my reminder of how important it is to preserve our language, culture, and identity for future generations. Through you, I have witnessed both the opportunities and challenges that come with growing up in the diaspora. While you have embraced new homes, new communities, and new languages, I have always hoped that you would remain connected to the language of your ancestors and the rich heritage that defines who we are.

This dedication is also extended to all Somali children around the world, many of whom are now adults raising families of their own. No matter where life has taken us, our language remains a bridge that connects us to our parents, grandparents, relatives, history, and traditions. It carries our stories, poetry, wisdom, values, and collective memory from one generation to the next.

The Somali language is one of the treasures of our people. Its beauty, depth, and literary richness cannot be fully captured by any website, application, or educational tool. No digital platform can teach every nuance, expression, proverb, poem, or cultural context that makes Somali such a remarkable language. True mastery comes through conversation, listening to elders, reading, storytelling, and lifelong learning.

Nevertheless, Baro Af Somali is offered as a humble contribution toward that journey. My hope is that it helps Somali children and adults alike strengthen their understanding of the language, communicate more confidently with family members and elders, and develop a deeper appreciation for their heritage.

May this platform serve as a small bridge between generations, helping preserve our language for years to come. And may every learner who uses it find not only words, but also a stronger connection to their identity, their community, and their roots.

With love, pride, and hope for the future, this work is dedicated to my children and to Somali families everywhere.

A people who preserve their language preserve their history, their identity, and their future.

U Hibaynta Carruurtayda iyo Dhammaan Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbo-joogta Ah

Af Soomaali

Mashruucan, Baro Af Soomaali, waxaan ugu horrayn u hibaynayaa carruurtayda aan jeclahay:

Maxamuud, Mubaarak, Muna, Maryam, Mahdi, Khadiija, Kayse (Xasan Kayse), iyo Suhayla.

Waxaad tihiin sababta igu dhiirigelisay dadaalkan, iyo xusuusta joogtada ah ee ii muujisay muhiimadda ay leedahay ilaalinta afkeenna, dhaqankeenna, iyo Soomaalinimadeenu. Idinkaan idinka arkay fursadaha iyo caqabadaha la socda ku barbaarista qurbaha. In kasta oo aad la qabsateen bulshooyin cusub, dalal cusub, iyo luqado cusub, haddana mar walba waxaan rajaynayey inaad ku sii xidhnaataan afkii iyo hidihii awoowayaashiin.

Hibayntani kuma koobna carruurtayda oo keliya, balse waxay ku socotaa dhammaan carruurta Soomaaliyeed ee dunida dacalladeeda ku nool, kuwaas oo qaarkood maanta noqdeen waalidiin korinaya jiilal cusub. Meel kasta oo aynu joogno, afkeennu waa xidhiidhka inagu xira waalidkeen, awoowayaasheen, ehelkeen, taariikhdeenna, iyo dhaqankeenna. Waa keydka suugaanteenna, xikmadeenna, qiyamkeenna, iyo xusuusteenna wadajirka ah ee jiilba jiilka ka dambeeya ugudbinayo.

Afka Soomaaligu waa mid ka mid ah hantiyaha ugu qaalisan ee ummadeenu leedahay. Quruxdiisa, qotadiisa, iyo hodantinimada suugaaneed ee ku jirta si buuxda uma soo koobi karto mareeg, barnaamij, ama qalab waxbarasho oo kasti. Ma jiro barnaamij dhijitaal ah oo si buuxda u bari kara dhammaan murtiyaha, maahmaahyada, tixaha, gabayada, iyo duruufaha dhaqan ee afka Soomaaliga ka dhigay luuqad gaar ah oo qiimo weyn leh. Barashada dhabta ahi waxay ku timaaddaa wada sheekaysi, dhegaysi odayaasha iyo waayeelka, akhris, sheeko wadaag, iyo waxbarasho joogto ah.

Si kastaba ha ahaatee, Baro Af Soomaali waxaa loo diyaariyey sidii dadaal is-hoosaysiin leh oo gacan ka geysanaya safarkaas. Rajadaydu waa in uu ka caawiyo carruurta iyo dadka waaweyn ee Soomaaliyeed inay xoojiyaan aqoontooda afka, si kalsooni leh ula xiriiraan qoysaskooda iyo waayeelkooda, isla markaana ay yeeshaan faham qoto dheer oo ku saabsan hidahooda iyo aqoonsigooda.

Waxaan rajaynayaa in barnaamijkani noqdo buundo yar oo isku xidha jiilasha kala dambeeya, isla markaana ka qayb qaadata ilaalinta iyo sii noolaynta afkeenna hooyo sannadaha soo socda.

Ummada afkeeda ilaalisaa waxay ilaalisaa taariikhdeeda, aqoonsigeeda, iyo mustaqbalkeeda.

Waxaa soo hibaynaya: Hussein Amiir Mohamoud Abdirahman
Aabbaha Baro Af Soomaali iyo taageeraha ilaalinta afka iyo hidaha Soomaaliyeed.